Golaha Wasiirada oo loo gudbiyay arrin ku saabsan Bajaajleyda Muqdisho By Rabiic Cabdiraxmaan - March 23, 2023 Muqdisho (Warda Media Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim ah. Kulank oo ay goobjoog ahaayeen inta badan xubnaha Golaha Wasiirada ayaa waxaa looga hadlay dhibaatooyinka ay la kulmaan Bajaajleyda, amniga iyo dagaalka Al-Shabaab. Ugu horreyn Golaha ayaa warbixin gaar ah ka dhageystay Guddiga ka talo-bixinta sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ay la kulmaan wadeyaasha Gaadiidka Bajaajta. Guddigan oo sameeyey daraasad, baaritaanno iyo xogwareysi ay la yeesheen wadeyaasha gaadiidka Bajaajta ayaa soo bandhigay tallooyin ka kooban illaa 18 qodob oo xal u ah dhibaatooyinka soo laalaabta ee ay la kulmaan Bajaajleydu. Golaha ayaa ballan-qaadan in la fulin doono dhammaan qodobadaasi, si wax loog...