Akhyaarta sharafta leh Bal ila fiiriya gabaygan Gabaygan oo ka mid ah gabayda soomaaliyeed ee aan kaydka ku uruuriyey

 


Akhyaarta sharafta leh Bal ila fiiriya gabaygan
Gabaygan oo ka mid ah gabayda 
soomaaliyeed ee aan kaydka ku uruuriyey.

Aduunyadan sabaan aakhirkee sisibanaysadu

Adunyadan siloonaateye silicday ee waalan

Aduunyadan sidaha lagu dhegay ee lala siqlaynaayo
Aduunyadan sabahan ee dadkii wada saluugaayo
Aduunyadan sadkii EEBAHAY ruxna soli-waayey
Aduunyadan siqiir iyo kabiir saayid laga doonay
Aduunyadan sarkaalka u buktiyo wada safiir miidhan
Aduunyadan-tan soomaalinimo laysku wada seegay!!!

Aduunyadan sabool iyo tijaar simantay iimaanka
Aduunyadan sinjigii guurisay een xidid la sooryeynin 
Aduunyadan xishood laga samray ee seetadii furatay
Aduunyadan-tan suubanaha iyo saadir lagu caayo 
           safaalaha ka muuqdaan arko suurkiiba xiga'e
Aduunyadan sagsaaga u kacday ee saalixa laga waayey
Aduunyadan safka ukala baxday ee nabadii seerowday
Aduunyadan sagaal qoys dilaad lagu kala soocay
Aduunyadan sadexankii is dhalay laysku soofeeyey


Aduunyadan qabiil sixira iyo haybta lagu soofay
Aduunyadan si xun u sheega iyo suufka laga raacay
Aduunyadan samaan-diidku yahay faajic lagu dhaarto
Aduunyadan qofkii suubanaa suuqa lagu caayo
Aduunyadan sinaantiyo sharciga laga santaagaayo
Aduunyadan sawiran ee lahayn sal iyo raad-toona
Aduunyadan salaxan ee ka maqan sababihii khayrka
Aduunyadan siqiirkuna ogyahay ee sinta u jiifta

Aduunyadan kuleel saayidi dunida sameeyey,
           Alloow sahal subxaan qaadirkoow naga salaameey e
           safar iyo aduunyadan sabbuux saynisku u muuqdo
Aduunyadan hijriya suurtay ee shiigi soconaayo
Aduunyadan sareedaadi qubtay ee salowga deyn weyday
Aduunyadan siday maanta tahay laga subxaaneysto!
           Soomaaliyeey waan ognahay saawa saawaha'e
           mar hadii sideedaba danteeni la saxi waayey
           Oo nabad galyadu saxal santahay oo sal dhigi weyday
           Oo dalaga beertiyo iyo wax qabad suurto geliwaayey
           Samir iyo dulqaad iyo haday waano soconweyday
           Ninkii nabada sacdiya ee saxarka dhowraaya 
           Iyo kii safaad gelinaaya ee sun u walaaqaaya
           Midba waxay ku soorto iyo wuxu saami ugu yeesho
           Bal-taariikhdu waxay suubisiyo saha-dambe aan dhowrno

           Hadii sabab Ilaah wato meel ka soconayso
           Sina laguma daafici karo oo way sisibataay e 
           Samaantuba xumaanbay dhashaa kuna sifoowdaay e
           Inkastoo rag wada suuban iyo culumo loo saaro
           Amaba saynis yahan faaliya iyo suxufi loo yeedho
           Sanku neefle idilkii ma karo inu sanceeyaay e
           Waxbaa soconaya oo salagle oo way siloontahay e
           Bal taariikhdu waxay suubisiyo saaha dambe aan dhowrno.!!!!!

Comments

Popular posts from this blog

1991 waxaa la khaarajiyey madaxweynihii 25aad ee maraykanka (william mckinley) waxaana khaarajiyey ninkasoohor jeeda nabada oo lagu magacaabi jirey (Leon czolgosz)

Madaxweynaha Jubaland oo booqday degaanka Janaa Cabdalle

Google's 25th Birthday! 27 September 2023