Waxaa LA ciyaari doonaa koobkak kooxda carabta
FAHMAN 🇾🇪 vs HORSEED 🇸🇴Kooxda Horseed ee Soomaaliya ka dhisan ayaa la ciyaari doonta dhigooda dalka Yaman ee Fahman Abyan kulan ka tirsan isreeb-reebka horehaca ah ee koobka kooxaha Carabta 2023.
Isku aad lagu sameeyay goordhaw Riyad ayaa lagu iclaamiyay, waxeyna ciyaari doonaan berito galinka dambe.
Waxaa jirta ciyaar ka horeysa oo u dhaxeysa kooxaha Arta/Soler oo ka socota Jabuuti iyo Valcon oo iyana ka dhisan dalka Comoros.
Labada kooxood ee guulaha gaara ciyaaraha berito ayaa final ciyaari doona Axadda, waxaana la ogaan doonaa kooxda ku biiri doonta wareega xiga ee tartanka kooxaha Carabta.
Horseed waxaa safarkaan hogaaminaya macalin Cabdi Xamiid oo doorarka tababaranimo kusoo laabtay tan iyo markii dhamaadka sanadkii hore laga qaaday xilkii tababaranimo ee kooxda Azam Fc ee ka dhisan dalka Tanzania.
Sidoo kale Horseed waxaa safarkaan ay wadatay saf xoogan, waxaana liiskeeda kusoo baxay dhawr xiddig oo ay ka qaateen kooxaha kale ee dalka.
Horseed maxaad u rajeyneysaa? 🇸🇴👇🏽

Comments
Post a Comment