Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii u dambeeyay cabsi xoogan ayaa lasoo darisyay

 Cabsi weyn oo lasoo daristay kooxaha Alshabaab + Sababta

By Rabiic Cabdiraxmaan- 

March 1, 2023

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii u dambeeyay cabsi xoogan ay lasoo daristay kooxaha magaalada Muqdisho ku iibiya maandooriyaha iyo ciyaal-weerada oo iyagu dil iyo dhac ka geysta magaalada.


Arrintan ayaa imaneysa maalmo kadib markii kooxda Al-Shabaab ay beesgi ku billowday kooxahaan oo muddooyinkii dambe dhibaato xoogan ku hayay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.


Kooxda Al-Shabaab ayaa afartii habeen ee lasoo dhaafay sheegtay inay duleedka iyo gudaha magaalada Muqdisho ku dishay rag ay sheegeen inay ka ganacsanayeen daroogada noocyadeeda kala duwan, oo uu ku jiray mid kamid ah ganacsatada ugu waaweyn ee dhalinta Muqdisho ka gadi jirtay daroogada.


Dilalka ugu badan ayaa dhacay saacadihii lasoo dhaafay, waxayna kooxda Al-Shabaab sheegatay in kooxo ciyaal weero ah ay ku soo afjartay degmooyin ay ugu horeeyaan Yaaqshiid iyo Heliwaa, ugu yaraan 7 qof oo Shabaab ay ku sheegeen ciyaal weero iyo cabtoy ayaa la dilay xalay.

Ragga la dilay ayaa qaarkood waxay kooxdu ku beegsatay goobaha ay ku iibinayeen maandooriyaha, taasi oo keentay in cabsi darteed loo xiro goobo ku yaalla magaalada oo qaarkood lagu iibin jiray maandooriyaha, halka kuwa qaarna la sheegay inay sameysteen ilaalo hubeysan.

Comments

Popular posts from this blog

1991 waxaa la khaarajiyey madaxweynihii 25aad ee maraykanka (william mckinley) waxaana khaarajiyey ninkasoohor jeeda nabada oo lagu magacaabi jirey (Leon czolgosz)

Madaxweynaha Jubaland oo booqday degaanka Janaa Cabdalle

Google's 25th Birthday! 27 September 2023