Dagaalkii waqooyiga Ethiopia wuu dhamaaday, Canfartu dagaalkaasi waxay ku waayeen dad aad u tito badan iyo adun lacag ah
Dagaalkii waqooyiga Ethiopia wuu dhamaaday, Canfartu dagaalkaasi waxay ku waayeen dad aad u tito badan iyo adun lacag ah
waxayna ka dhaxleen ciidabkeena LIYUU BOLISKA abaabul ciidanimo(100%100, sidoo kale waxaa gacanta ugalay hub iyo saanad aad ubadan. Noocwalba oo hub ah way heshay, mid dawladu siisay iyo mid ay ka bililiqaysteen goobihii tplf iyo canfar lagu jabiyay. Hub tiro beel ah iyo abaabul balaadhan ayay heleen mudadii dagaalka waqooyi socday.
Eega waxaa dhacay heshiis curdin ah oo wali dhaqangalintiisii socoto oo udheexeeya dawlada iyo tplf. Waxaa labadii bilood ee lasoo dhaafay laga soo baxayay furimihii dagaalka,
LIYUUGA ayaa noqonaysaa 2 arimood; hub noocwalba ah oo farabadan iyo abaabul ciidanimo oo midaysan. Waxay labadaasi arimood na ka muuqdaan dagaalkan cusub iyo culayska dheeriga ah ee ay hada lasoo wajaheen dhanka Somalida. Dabcan waa arin ubaahan in lagu xisaabtamo. Canfar waxbaa usoo kordhaye ha lagu talogalo oo yaan sidii hore la moodin.
Arinta kale ee u baahan in lagu xisaabtamo waa dareenka ay Canfartu ka qaaday dagmooyinkii cusbaa ee la ansixiyay. Dabcan dagmooyinkaasi waxay Canfarta uga khatar badanyihiin dhamaan wixii hore ee sii jiray. Hadii dooxadii Qaraf layidhi waxaa laga dhigayagaa xarun dagmo, oo waxaa soo dagaya maamul iyo ciidan Soomaliyeed, dee waad qiyaasi kartaan xanuunka ay uleedahay Canfarta, mana jirayso waxay Canfari usii fadhido Garbaciise. Sidaan qiyaasayo Canfartu waxay bilaabi doonta halgankii ugu adkaa ee abid ay samayso, waayo wixii hore wax ka daran baa uga dhexmuuqda dagmooyinka iyo deegaamaynta cusub. Canfari dhulkan bay rabtaye oo mayna qarsanayn waligeed e, ujeedadeedu maahayn tuulooynka laamida kuyaala. Marka hadii dhulkii la dagmeeyay oo maamul soo dagay Canafartu dagaal culus bay bilaabaysaa sidaa la hoo ogaado. Dhulku waa uun dhulkii dagaalku ka socady, waa isla meeshii. !
Cidanka waxaan leeyahay inaad isdifaacdaan oo aad duulaanka Canfarta iska difaacdaan ayaa waxwalba ka muhiimsan, taasina waxay ubaahantahay inaad dhufayso adag ka samaystaan jiidaha hore ee difaaca dhulka, ciidankaygoow iska daaya baanan fadhiisiya iyo ood isku wareejinta, iska daaya mooskan aad moodo kii fadhaanfadhka, oo intaad cagafta qaadtaan samaysta dhufaysyo adag oo wadan laga difaaci karo oo mustaqbal dheer ku salaysan. Inaga daaya xabawarkan iyo banaan fadhiisiga.
Warkaan waxaa Gobolka siti nooga soo diray wariyeheen xasan macalin axmed wuxiina Mar kale la jadlayaa Qa aa"ilka deegaanka siti
Ciise waxaan leeyahay, Ciisoow dagaalkan uma dhanid, Ciisoow ma abaabulnid, Ciisoow cudurkii qabaa'ilada Somalida ragaadiyay ee kala qaybsanaanta ayaa idin haleelay, Ciisoow qaar cadawga la shaqeeyaa idinku jira, Ciisoow duco ayaad ubaahantihiin, Ciisoow maanta meel adag bay xaaladu maraysaa, Ciisoow ciyaarta ka baxa oo dagaalka si dhab ah ugu soo jeedsada.! Ciisoow sameecadahan badan ee idiin baxaya iska damiya, walee waa aayihiina waxa lagu dhimanayaaye usoo jeedsada dhulkiina.!

Comments
Post a Comment