Ayaadka TAFSIIRKEENA maanta
Aayadahan waxay kasheekaynayaan jannada iyo sida laguugu adeegayo
![]() |
| TAFSIIRKEENA MAANTA |
Sidoo kale faahfaahin baan raaciyay iyo tafsiir xeel dheer.
Walaal haka caajisin inaad wada akhridoh si dhib yar laguma diyaarinin lagumana qorin siina faafi
Tafsiirka Suuratu Al-Insaan Darsigii 58aad
Eebe isagoo ehlu jannaha kawaramaya wuxuu yidhi:
إِنَّ الْأَبْرَارَ يَشْرَبُونَ مِن كَأْسٍ كَانَ مِزَاجُهَا كَافُورًا ( 5 )
Baarriyiinta (Waa Kuwii aduunka markii lajoogay Daacada Baari u,ahaa)waxay ka cabbi weel Buuxa ( oo khamri iyo sharaab kale ah) oo lagu Daray (cadarka) kaafuur. (Yacnii sharaab udgoon)
عَيْنًا يَشْرَبُ بِهَا عِبَادُ اللَّهِ يُفَجِّرُونَهَا تَفْجِيرًا ( 6 )
(Sharaabkaasi) Waa il ay ka Cabbaan Addoomada Eebe, ayna ujiidaan (ay ucabayaan) say Doonaan,
يُوفُونَ بِالنَّذْرِ وَيَخَافُونَ يَوْمًا كَانَ شَرُّهُ مُسْتَطِيرًا ( 7 )
Wayna oofiyaan Nadarka, (balamaha kama baxaan dadkaasi markay aduunka joogeen) waxayna ka yaabi ( waxay ka cabsan ) maalin sharkeedu fidi (qiyaamada).
وَيُطْعِمُونَ الطَّعَامَ عَلَىٰ حُبِّهِ مِسْكِينًا وَيَتِيمًا وَأَسِيرًا ( 8 )
(Dadkaas saa loogu nimcaynayo waa dadkii markii aduunka aysoo joogeena)
Waxay Quudiyaan iyagoo jecel (waxan ay bixinayaan) Miskiinka iyo Agoonka iyo kan xabbisan (Jeelasha kujira).
إِنَّمَا نُطْعِمُكُمْ لِوَجْهِ اللَّهِ لَا نُرِيدُ مِنكُمْ جَزَاءً وَلَا شُكُورًا( 9 )
Iyagoo Dhihi waxaan idiin quudinnay (oon xoolahanaga idiin siinay) dar Alle, mana idinka doonaynno Abaalmarin iyo Mahadnaq Midna.
إِنَّا نَخَافُ مِن رَّبِّنَا يَوْمًا عَبُوسًا قَمْطَرِيرًا ( 10 )
Waxaan ka Yaabaynaa (kacabsanaynaa) Eebahana Maalin (wajigu) doorsoomi oo Daran. (Maalinkaa -waaqiyaamadee in alle na ilaaliyo)
فَوَقَاهُمُ اللَّهُ شَرَّ ذَٰلِكَ الْيَوْمِ وَلَقَّاهُمْ نَضْرَةً وَسُرُورًا ( 11 )
Eebana wuu ka Dhawray (oo wuu ilaaliyay) sharka Maalintaa, wuxuuna siiyay nuur iyo Farax.
وَجَزَاهُم بِمَا صَبَرُوا جَنَّةً وَحَرِيرًا ( 12 )
Wuxuuna ku abaal Mariyay Samirkooda Dartii

Comments
Post a Comment