Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali- waraabe ayaa sheegay in rabshadihii ka taagnaa magaalada Laascaanood

 Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali- waraabe ayaa sheegay in rabshadihii ka taagnaa magaalada Laascaanood ay isku beddeleen dagaal si fiican loo qorsheeyey

oo ka dhan ah jiritaanka Qaranka Somaliland, isagoo ku baaqay in loo midoobo sidii loo difaaci lahaa qaranka Somaliland, waxaanu sidaas ku sheegay qoraal uu Twitter-kiisa ku faafiyey oo u dhignaa sidan; "Rabshadaha Laascaanood ka taagnaa ee ka dhashay sidii axmaqnimada ahayd ee uu Muuse Biixi u waajahay mudaharaadyadii salmiga ahaa ee dadka rayidka ahi dhigayeen waxa ay isku beddeleen dagaalka si fiican loo qorsheeyey oo kagaga soo horjeedo jiritaanka Somaliland, kaas oo ay soo qaadayaan xulafadii iyo isbahaysiyadii 

Digtaytarkii Maxamed Siyaad Barre. Waa waqtigii aan u midoobi lahayn sidii Somaliland looga badbaadin lahaa, loogana difaaci lahaa kooxaha isbahaystay," ayuu yidhi Eng.Faysal Cali Waraabe.

Comments

  1. Engineer Faysal waxa uun u dhiman inuu qoriga qaato waxba lama harin

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

1991 waxaa la khaarajiyey madaxweynihii 25aad ee maraykanka (william mckinley) waxaana khaarajiyey ninkasoohor jeeda nabada oo lagu magacaabi jirey (Leon czolgosz)

Madaxweynaha Jubaland oo booqday degaanka Janaa Cabdalle

Google's 25th Birthday! 27 September 2023