Ilaali naftaada Ku hay niyadaada Inaad tahay nuurka Dhamaan nolosheyda
Ilaali naftaada Kuhay niyadaada
Inaad tahay nuurka Dhamaan nolosheyda
Erayo Naxariis Badan
Waan ognahay in qof walba uu jecel yahay helitaanka ereyo naxariis badan oo uu ku muujiyo dareenkiisa balse taasi sahal ma noqon karto mararka qaarkood.
Qof Aad Jeceshahay Sida Loo Soo JiitoErayo Romantic Ah
Xasuusnoow, ma jiro hab “sax ah” oo loogu talagalay sida loo muujiyo qaddarinta iyo qiimaha kalgacalka. Xaaladaha qaarkood, odhaahda sida aad muujiso waxay xoojin kartaa xidhiidhka lamaanahaaga.
Hadda waxaa laga yaabaa inaad is waydiineyso erayo naxariis badan oo jaceyl ah ama waxyaabo macaan oo aad u sheegto saaxiibtaa oo aanay hore u maqal. Hagaag, Murti &jeceyl ayaa kuu heysa.
1. Macaan ma joojin karo ka fikirkaaga.
2. Had iyo jeer waxaad ahaan doontaa qaalideyda.
3. Ilaa maalintii aan kula kulmay, noloshaydu sidii hore way ka fiicnaatay.
4. Waxaan jeclahay inaan kaa qosliyo.
5. Waan ku jeclahay maanta. Berrina waan ku jeclaan doonaa iyo maalin kasta kadib.
6. Waxaad tahay gabadha aan riyoonayo.
7. Qaali weligaa dhulka ha i dhigin.
8. Waxaad tahay qof naxariis leh oo aad u qurux badan.
9. Meel kasta waan ku raaci lahaa.
10. Marka aan kula joogo, wax walba waxaan u dareemaa sax.
11. Waan ku jeclaan doonaa ilaa maalinta aan dhimanayo.
12. Markaan kula joogo, wax kale ma xusuusto.
13. Miyaad wax fikrad ah ka haysaa inta aan kuu jeclahay?
14. Jacaylka oo dhami waa macaan yahay, laakiin keenna ayaa ugu macaan.
15. Waan ogahay jacaylka dhabta ah inuu jiro.
16. . Ma rumaysan karo in ay jirto gabadh adiga oo kale ah iyo in aan nasiib u yeeshay in aan helay.
17. Waxaad i fartaa wanaagga iyo horumarka.
18. Waxaad leedahay qurux oo dhan
Si kastaba ha ahaatee intaas ayaan ku soo koobeynaa qormadii ku saabsaneyd erayo naxariis badan oo aad u diri kartid lamaanahaaga. Erayadan jaceyl waxaan ugu talagalnay in dhalinyarada maanta iyo guud ahaan inta wax jecel inay ka faa’iideystaan una isticmaalaan fariin qoraal ahaan ama qoraalo dhaahdeer intaba.
Waxaa idiin diyaariyay qoraalkan
JACAYLKA ku saabsan murti madadaalo
.✍ Raadka nolosha Rabiic Market
Email
Rabiicbambaas@gmail.com



Comments
Post a Comment